Xubno katirsanaa Ganacsatada Qaadka oo Marka lagu dilay

Image

MARKA, Somalia- Kooxo hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa xalay Labo qof oo shacab ah ku dilay degmada Marka, ee xarunta gobolka Shabeellaha hoos.

Goob Joogayaal ayaa u sheegay GO in Dabley Bastoolado ku hubeysan ay Labada ruux oo kamid aha Ganacsata qaadka ku toogteen Suuq ku yaalla bartamaha Marka.

Falkaas kadib kooxdii weerarka soo qaaday ayaa goob ka baxsatay.

Lama oga sababta loo dilay Ganacsatada, iyo cida dishay waxay ay yihiin, balse saraakiisha ciidamada amniga magaalada ayaa sheegay inay wadaan baaritaan, islamarkaana ay ku raadjoogaan dilaayaasha.

Magaalada Marka ayaa tan iyo markii ay la wareegtay dowladda Somalia sanadkii 2012, waxaana ka dhacayay dilal, qaraxyo iyo dagaal u dhaxeeya labo beeleed oo ku loolamayo maamulka degmada.

Al Shabaab ayaa ku sugan saldhigyo aan ka fogeyn magaalada Marka, iyadoo ay halkaasi kasoo qaadaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM