​Xubno ku eedaysan inay dadka Tahriibiyaan oo Muqdishu lagasoo dejiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu ee Caasimadda Somalia, waxaaa maanta la keenay saddex nin oo ku eedaysan inay Somalida ka tahriibin jireen waddanka Koonfurta Sudan.

Shaqsiyaadkaan ayaa la sheegay in dhawaan laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Koofurta Sudan, iyagoo ku howlanaa falal Tahriibin ah, waxaana qabashooda iska kaashaday Ciidamada Booliska Adduunka ee Interpol iyo ciidanka dalkaas.

Seddexda nin ee laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Muqdishu ayaa lagu kala magacabaa Caydaruus Cabdullaahi Naxar, Cabdiraxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xuseen.

Xubnaha oo dhammaantood kasoo jeeda waddanka Somalia, ayaa lagu wareejiyay ciidanka Booliiska dowladda Federaalka.

Raggan ayaa markii la keenay Muqdishu waxaa gacmaha uga jiray sil-silad, iyadoo ay la socdeen askar ka tirsan Interpol oo ku wehlinayay diyaarad qaas ah oo saaka ka soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii dalka Somalia laga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.

Waddanka Somalia, ayaa safka hore uga jira waddamada dadkoodu u tahriibaan Yurub iyagoo halis galinaya nafsadooda, waxaana arrintan ka qayb qaata shabakado isku xiran oo ku kala sugan Somalia, Uganda, Koofurta Sudan, Sudan, Masar, Libiya illaa Talyaaniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM