​Xubno loo saadaalinayo inay xilal ka helaan Madaxtooyada somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ayaa isu diyaarinaya inuu tago xarunta Villa Somalia oo maalmaha soo socod uu macasalaamayn doono Xasan Sheekh oo Muddo Afar sano ah ka talinayay.

Balse iyadoo aysan wali xilalka la kala wareegin labada Mas'uul waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in durba la calmaday shakhsiyaadka noqonaya hogaanka xilal dhowr ah kuwaas oo ugu muhiimsan qasriga Madaxtooyada.

Saraakiil ka agdhow Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagasoo xigtay in Madaxweynuhu qorsheeyay raggii laga dhigi lahaa,  Agaasimaha Madaxtooyada, Agaasimaha hab-maamuuska iyo taliyaha ciidamada ilaaliyaha qasriga Madaxtooyada.

Xubnaha loo wado boosaskaas ayaa isugu jira kuwo xilal kasoo qabtay Villa Somalia iyo kuwo agdhow mudane Farmaajo.

Warar lagu kalsoonaan karo aan ka helnay ilo wareedyo ku xeeran Madaxweynaha cusub ayaa sheegaya in mudane Farmaajo uu u wado taliyaha ciidamada Madaxtooyada nin lagu magacaabo General Cabdullaahi Cali Caanood oo horay ula soo shaqeeyay dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Agaasimaha  Madaxtooyada ayaa sidoo kale la qorshaynayaa inuu noqdo Tabid Cabdi Maxamed oo soo noqday safiir ku-xigeenka safaaradda Somalia ee dalka Maraykanka.

Tabid ayaa soo noqday Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Somalia, waxaana hadda uu kamid yahay saraakiisha aadka ugu dhow mudane Farmaajo.

Qorshahan ayaa soo shaac-baxay xilli dhalinyaro badan aad u raadinayaan inay ka dhex-muuqdaan xilalka muhiimka ah ee Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo qayb ka ahaa ololihiisa doorashada.

Lama oga habka uu wax usoo magacaabi doono mudane Farmaajo oo aad looga taageeray gudo iyo dibad guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 08 February 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM