​Xubno looga shakiyay Al Shabaab oo Kismayo lagu qabtay

Image

KISMAYO, Somalia-  Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa Howlgallo gaar ah ka sameeyay saaka xaafadaha magaalada xeebta leh ee Kismaayo.

Howlgallada ayaa yimid kadib markii Qarax miino  lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Jubbaland duleedka Magaalada Kismaayo, kaasi oo aan geysan wax khasaaro ah.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Howlgalladan horkaceya ayaa waxay Warsidaha Garowe Online, u sheegeen ujeedka Howlgalladan uu yahay in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Kismaayo.

Waxay tilmaameen in tiro ka badan 10 Qof, oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin  Al shabaab lagu soo qabtey Howlgalka saaka, kadibna la dhigay Saldhiga Booliska, halkaasi oo Su'aallo lagu weydiinayo.

Madaxda Mamaulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro Al shabaab ka geestaan magaalada inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM