Xukumadda oo hoos u dhigtay cabsida burburka shirka Muqdisho

Image
Xogta waxay xusaysaa ammaanka uu noqdey qodobka ugu culus ee madaxdu isku mari la’dahay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukumadda Xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa hoos u dhigay cabsida laga qabo in uu burburo shirka golaha wadatashiga qaran ee maalintii ka afaraad ka socda magaaladda Muqdisho kaas oo looga hadlayo amniga iyo doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Xukumadda Mucalimuu ayaa sheegay in ay “ socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga”.

"In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka Xukumadda.

"Kulamda Madaxdu waa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah” ayuu yiri isaga oo ku waaniyay “Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya iyo ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan”.

Hadalka Mucalimuu ayaa yimid ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu ku dhow yahay "in uu burburo" ka gedaal markii madaxweynaha Koonfur Galbeed, Laftagareen, uu ku goodiyey in uu ka baxayo wadahadaladda hadii lasoo hadal-qaado amniga.

Xogta waxay xusaysaa ammaanka uu noqdey qodobka ugu culus ee madaxdu isku mari la’dahay. Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa doonaya in goluhu go’aan ka gaaro qaddiyadan.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka isla ogolyahay ayaa ah; in waqti cayiman oo laba bil ah loo qabto doorashada Soomaaliya in lagu soo geba-gebeeyo balse waxa la isku raaci la’yahay qodobo ay ka midyihiin masuuliyada amniga iyo awooda odoyaasha dhanka ee ka kooban 135 oday.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa madaxda ku shirsan Muqdisho in ay jadwal la isku halleyn karo u sameeyaan xiliga lasoo afjaro doorashadda, maadaama horey loogu fashilmay jadwalladii la sameeyay sanadkii la dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM