Xukun lagu riday nin loo haysto geerida 700 oo qof

Image

Dawladda Talyaaniga ayaa 18 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Tunisia oo lagu eedeeyay doorkii uu kulahaa dhimashada 700 oo qof oo tahriibeyaal ahaa.

Dadkaasi ayaa bishi April ee sanaddii 2015 waxa ay ku geeriyoodeen badweynta Mediterranean ka, markii ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.

Sidoo kale maxkamaddu waxay 5 sano oo xadhig ah ku riday kaaliyihiisii oo la sheegay inuu u dhashay dalka Syria.

Boqolaalka qof ee ku dhintay doonidaasi ayaa waxaa ku jiray dad badan oo Afrikaan ah oo Soomaalina ay ka mid ahayd.

Sahra Cabdi Axmed ayaa hadaba khadka telephone ka kula xidhiidhay Shukri Saciid oo ka tirsan wargeyska La Republican oo ka soo baxa dalka Talyaaniga, kana wareysatay arrintan.

VOA

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM