Xukuumada oo baaq kasoo saartey ciidanka la geeyay Beledwayne

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Kulanka Golaha Wasiirrada waxaa warbixin ku saabsan xaaladda magaalada baladwayne looga dhagaystay wasiirada amniga iyo gaashaandhigga.

Labada Wasiir ayaa golaha wasiirada la wadaagay in cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga iyo booliska la geeyay magaalada Baladwayne, iyadoo aan lagu wargalin Wasiirada shaqada ku leh xilli ay magaaladaas ka taagan tahay Xiisad siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale uga warbixiyay Golaha Wasiirada Wadahadal la xiriira arinta Baladwayne oo uu khadka taleefanka kula yeeshayMadaxwaynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Kasoo jeeda Gobalka hiiraan.

Dood iyo falanqayn ka dib Goluhu wuxuu isla gartay Qodobadaan,

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin, laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda, laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga.

Raiisulwasaaraha ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah oo ka kooban,

▪ Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Gen Mukhtaar Xuseen Afrax, Guddoomiye.
▪ Md Cabdulaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha
▪ Md Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhiga.
▪ Md Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga
▪ Marwo Fowziya Maxamed Abiikar, wasiirka Caafimaadka.
▪ Iyo sarkaal ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigaan wuxuu Maamulka Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala dhaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan. Golaha Wasiiradu wuxuu ugu baaqayaa Waxgaradka iyo Shacabka Magaalada baladwayne in ay muujiyaan daganaan, Lana ilaaliyo waxkasta oo keeni kara isku dhac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM