Xukuumada oo fahfaahisay ajandaha shirka Muqdisho

Image
Wadaxaajoodyada oo dib-uga-dhigay waqtigii horey loogu balamay ayaa loo muddeeyay Sabtida asbuuca dambe. [File Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban waxay shaaca kaga qaadey in shirka arrimaha doorashooyinka uu bilaaban doono Sabtida todobaadka soo aadan.

Tani ayaa waxay timid kadib markii uu dib-u-dhac ku yimid furitaanka oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo Khamiista maanta ah. Shaacintan waxay kusoo hagaagtay iyaddoo Rooble uu dalka kusoo laabtay.

"Kulanka oo uu shir guddoomin doono Ra'iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa," ayaa la raaciyey qoraalka xukuumada.

Dhanka kale, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa u soo gaaray  Muqdisho ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu wadday in uu ka dhaco Muqdisho balse dib ugu dhacay sababo aan la fahfaahin.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhaweeyay caasimadda Muqdishu kahor wadaxaajoodyada arrimaha doorashooyinka ee ka qabsoomaya Muqdisho.

"Raadinta dhaqaalaha dhiman"

Afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shaaca ka qaadey in ajandaha wadaxaajoodyada ay qeyb ka tahay raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka heer federaal.

"Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah hadii Eebe idmo waxa uu Afisyoone ka furmayaa maalinta Sabtida ee 21ka Ogoosto iyada oo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka soo wada gali  doonaan," ayuu yiri Macalimuu.

Wuxuu intaas ku daray: "Magaalada Muqdisho ayaa waxa hadda ku suggan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug , waxana la filayaa Madaxweynayaasha kale ee Puntland iyo Jubbaland in ay Muqdisho soo gaaraan".

"Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Garowe Online ayaa fahansan in qodobada shirkan lagu soo hadal-qaadi karo ay qeyb ka tahay wax ka bedel lagu sameeyo degaan doorashadda coddeynta iyo dhimida ergada soo dooraneysa xubnaha golaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM