Xukuumadda cusub oo lagu baaqay in ay noqoto midnimo qaran

Image
Xukuumad ku saleysan kooxo ayaa laga sheegay in ay Soomaaliya honey "ugu soo gubatay".

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha la doortey Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta qado la yeelanaya madaxda maamulada Soomaaliya. Kulankaan waxa uu noqonaya midkii ugu horeeyey tan iyo intii loo doortey xilka May, 15, 2022.

Waxaa xummaa xiriirka madaxweynihii lagaga adkaadey doorashada Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo maamulada Soomaaliya. Maamulkii hore waxaa lagu eedeeyay in uu isku-dayay in uu maamuladda geeyo madax taabacsan.

Shirkan wuxuu daba-socdaa wadahadalo kale oo isla maanta Villa Soomaaliya ku dhexmaray Farmaajo iyo Xasan Sheekh. Is-araggan waxaa diiradda ku saarey is-xog-wareysi iyo dardargelinta munaasabadda xil-wareejinta.

Wadaxaajoodyadda gaargaarka ah ayaa la filayaa in ay sii socdaan maalmaha soo aadan maadaama la guda galayo geedi-socodka lagu soo xulayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda soo aadan si uu u soo magacaabo golaha wasiiradda.

"Maya xukuumad kooxeedyo"

Kahor magacaabida xukuumadda cusub, waxaa durba soo baxaya baaqyadda loo dirayo hogaanka cusub ee dalka. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow wuxuu soo jeediyey in xukuumadda cusub ay noqoto mid midnimo-qaran leh.

Baadiyow oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay dalka horey loogu soo gubtey wax uu ku qeexay "xukuumad kooxeedyo".

"Badbaadada Somaliya waxey ku jirtaa in la dhiso xukuumad midnimo-qaran oo keenta wadajir iyo towfiiq. Xukuumad kooxeedyo hore ayaa loogu soo gubtay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Madaxwayne Xassan Sheikh wuxuu leeyahay waaya-aragnimo, waxaana laga rajeenayaa inuu dhayo dhaawacyadii ka dhashay doorashada. Ilaahow towfiiq".

Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee gudaha dalka Soomaaliya loogu doortey si dimuqraadi ah muddo laba jeer ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM