​Xukuumadda Galmudug oo amar dul dhigtay Warbaahinta iyo Hotellada

Image

CADAADO, Somalia- Qoraal kasoo baxay xukuumadda Galmudug, ayaa fariin loogu diray warbaahinta ka howlgasha deegaanadaas iyo hotellada ku yaalla magaalooyinka, waxaana loogu baaqay inaysan baahinta islamarkaana aan la qaban shirar aysan la socon dowladdu.

Warqad uu ku saxiixanyahay wasiir dowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose Galmudug, ayaa sidoo kale lagu mamnuucay inay isu soo baxyo ka dhacaan deegaanada uu ka taliyo maamulka fadhigiisu yahay degmada Cadaado.

Arrintan ayaa daba socota tallaabooyin is-xiga oo maamulka uu hogaamiyo Cabdikariim Guuleed ku dhaqaaqayeen tan iyo markii 54 Xildhibaan todobaadkii hore sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynahooda kaasoo lagu eedeeyay inuu kasoo  bixi waayay waajibaadkii loo igmaday islamarkaana xaruntooda Cadaado ka maqnaa muddo badan.

Guuleed, ayaa xilka ka qaadistaa ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn isagoo xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaanada Galmudug, islaamrkaana xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose Jaamaca Xasan.

Jaamac oo warbaahinta la hadlay, ayaa tallaabadaas ka horyimid, wuxuuna sheegay inuusan Madaxweynuhu awood u lahayn inuu ka qaado xilka maadama uu waayay kalsoonida Xildhibaanada.

“Madaxweynihii hore ayaa warqadaasi qoray, baraha bulshada ayaana ku arkay, ma jirto awood uu Guuleed xilka iiga qaadaa, sababtoo ah isaga ayaaba kalsooni heysan,”Ayuu yiri Jaamac.

Lama yaqaan sababta xilka looga qaaday, balse arrintan ayaa muujinaysa khilaafka siyaasadeed ee kasoo ifbaxay maamulka Galmudug.

Beesha caalamka iyo Madaxda Somalia, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay go'aamada iska hor imaanaya, waxayna ku baaqeen in wixii jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo si waafaqsan qaanuunka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM