Xukuumadda oo amar kasoo saartey "adeegsiga" ciidamadda

Image
Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu meelmariyey go'aankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama ayaa wuxuu guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha, kulanka ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha Amniga dalka looga dhagaystay Wasiirrada Difaaca iyo Amniga Gudaha.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, ayaa shirka uga war bixiyay halka ay marayaan hawl-gallada lagu baacsanyo argagixisada iyo guulaha wax-ku-ool ah ee ay gaareen ciidamada qalabka iyo dadka deegaanka oo is-kaashanaya.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada ayaa mamnuucay in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda Dastuuuriga ah, sidda ku xusan bayaankan uu arkay Garowe Online.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha gurmadka.

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka.

Lama ogga sababta keentay go'aanka la xiriira in ciidamadda loo adeegsado si ka baxsan waajibaadkooda. Balse, waxay imaanaysaa xilli ciidamada NISA ay maalmo kahor garoonka Aadan Cadde ka xireen wariye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM