DF oo dabcisay aragtideeda guddiyada la isku hayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diyaar u ah in ay bedesho xubnaha la duray ee guddiyadda magacaaban ee doorashooyinka qaranka, sidda uu sheegay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka waddanka.

Dhawaqa Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha oo kamid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxda waqtiga kasii dhacayo, ayaa muujinaya in xukuumadda dabcisay mowqifkeeda guddiyadda.

"Dowlad goboleedyadda aan xubnahoodii soo magacaabin [Puntland iyo Jubaland] waxay leeyihiin guddiyadda la magacaabay ayaa hebelow, hebel iyo hebelow ku jiraan. Waayahee halkeed diidan tihiin waanba ka saareynaa si horey loogu socdo," ayuu Isniintii shalaya ahayd ka sheegay Shirweynaha Haweenka Soomaaliya ee u qareemida qoondada doorashada labada Aqal.

Guuleed ayaa intaas sii raaciyey: "Walaalayaalow aan fulino heshiiska siyaasadeed. Meeshii ar ama dareen laga qabano aan is laga wada hadlo lana fuliyo qofkii la leeyahay dareen baan ka qabaa diyaar baan u nahay in laga garaabo qofkaa la bedelo, labadaa la bedelo meeshii la leeyahay ma ancfacdo in shaqada horey u socoto – haddey jirto gar iyo garowshiyo – mar walba danta qaranka iyo horusocodka u baahan yahay diyaar baan u nahay".

Is-qabqabsiga guddiyada magacaaban, ciidanka dowladdu geysay gobolka Gedo iyo xulista wakiilada Somaliland ayaa kamid ah qodobada aadka loogu muransanyahay ee baajiyey jadwalkii doorashooyinka 2020-21.

Midowga Murashaxiinta, maamulada qaar, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin ayaa codsaday in guddiyada laga saaro xubnaha Villa Soomaaliya ku dartay ee kala ah; shaqaale dowladeed, askar ka tirsan NISA iyo jamaahiirta Farmaajo.

Jubaland ayaa ku adkeystay in aysan doorasho ka dhici karin waddanka inta ay "ciidamadda sharciyada ah ee dowladda ku sugan yihiin gobolka Gedo".

Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya iyo taliska nabad-sugida in aysan ka talogelinta magacaabida guddiyada maamulaya doorashooyinka wakiilada Somaliland ee ka dhaceysa Muqdisho.

Xukuumadda ayaa horey ganafka ugu dhufatay eedeymahan. Balse, dhawaqa Mahdi Guuleed wuxuu tusinayaa isbedel. Hasa ahaatee, siyaasiyiinta mucaaradka waxay dalbanayaan in dhawaqaas loo bedelo ficil wax ku ool ah.

Beesha Caalamka ayaa si cad waxay u sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin doorashooyin iyo guddiyo is-barbar-socda iyadda oo ku baaqay in hanaan wada ogol oo ku saleysan heshiiskii September lagu galo coddeynta 2020-21.

Isbedelka ku yimid aragtida dowladda ee guddiyadda la isku hayo ayaa imaaneysa maalmo kadib markii Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Garowe kasoo laabtey isaga oo ku fashilmay qorshihii uu ula tagay madaxda Puntland.

Rooble ayaa madaxweyne Deni waydiistay in lagu wareejiyo xubnaha maamulka ku metelaya guddiyadda, arrimaha taaganna lagu xalinayo shir ka dhacaya Muqdisho. Balse Deni wuxuu ku adkeystay in khilaafka marka hore la xaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM