Xukuumadda oo howlgelisay guddiyadda doorasho ee la duray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo howl-geliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal lagu soo xulay aqoontooda iyo in dalka ay u horseedi karaan doorasho daah-furan oo cadaalad ku saleysan, kana tarjumeysa horumarka dalka iyo sii amba qaadidda dowladnimadeenna, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30%.

“ Waxaa la idinka soo xushay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si aad u hoggaamisaan doorashooyinka oo la idinku aaminay masuuliyadaas, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad si caddaalad iyo hufnaan leh u hoggaamisaan, idinkoo ilaalinaya qoondada haweenka ee 30%.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku bixinayso hirgelinta doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda, kuna saleysan Heshiisyadii Doorashooyinka ee Muqdisho iyo Samareeb ay ku kala saxiixdeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo kula dardaarmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal in ay cadaalad iyo daacadnimo ku hirgeliyaan doorashooyinka 2021 ayaa Alle uga rajeeyey in uu ku guuleeyo howshan Qaran ee loo xilsaaray.

Xukuumadda Soomaaliya

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM