Xukuumadda oo war kasoo saartey shirka Golaha Wadatasiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha Galmudug iyo HirShabelle ay Muqdisho u yimaadaan ka qeybgalka shirka wadatashiga qaranka.

Wasiiradda amniga gudaha iyo cadaaladda, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur oo soo dhaweeyay xubnahan, ayaa ciwaanadooda Facebook-ga ku qoray in kulankaas dhacayo.

Marka laga soo tago sheegashadda labada wasiir, maamuladan ayaa wali caddeyn mowqifkooda ku aadan kulankan iyo is-arag kale oo Madaxtooyadda Soomaaliya ay iclaamisay todobaadkan.

Wasiir Cabdullaahi oo horey uga mid ahaa mucaaradka maamulka Farmaajo ee ka hor-istaagay muddo kororsiga labada sano ahayd ayaa xusay in kulankas uu hogaaminayo Rooble.

"Waxaan Aniga iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kusoo dhawaynay Magaalada Muqdiaho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kariye (Qoor Qoor) oo u yimid caasimada ka qaybgalka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Mohamed Hussein Roble," ayuu xusay.

Dhankiisa, cabduqaadir ayaa si gaar ah wuxuu u shaaciyey in kulankas oo horey qorshuhu u ahaa in uu qabsoomo 27-da bishan December uu yahay mid lagu saxayo tabashooyinka ka dhashey doorashooyinka.

"Waxaan magaalada Muqdisho ku soo  dhaweyney Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hishabeele iyo Galmudug Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guud laawe) iyo Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) si ay uga qayb galaan shirka wada tashiga Madasha Qaran ee uu Raisulwasaaraha ku baaqey in laysugu yimaado si loo saxo tabashooyinka ka dhashey Doorashooyinka," ayuu yiri.

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu waddaa in xal waara loogu is-mari-waaga hareeyay doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan hanaanka xulista xubnaha Golaha Shacabka oo su'aallo badan ay ka dhasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM