Xukuumadda oo war kasoo saartey shirka Golaha Wadatasiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha Galmudug iyo HirShabelle ay Muqdisho u yimaadaan ka qeybgalka shirka wadatashiga qaranka.

Wasiiradda amniga gudaha iyo cadaaladda, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur oo soo dhaweeyay xubnahan, ayaa ciwaanadooda Facebook-ga ku qoray in kulankaas dhacayo.

Marka laga soo tago sheegashadda labada wasiir, maamuladan ayaa wali caddeyn mowqifkooda ku aadan kulankan iyo is-arag kale oo Madaxtooyadda Soomaaliya ay iclaamisay todobaadkan.

Wasiir Cabdullaahi oo horey uga mid ahaa mucaaradka maamulka Farmaajo ee ka hor-istaagay muddo kororsiga labada sano ahayd ayaa xusay in kulankas uu hogaaminayo Rooble.

"Waxaan Aniga iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kusoo dhawaynay Magaalada Muqdiaho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kariye (Qoor Qoor) oo u yimid caasimada ka qaybgalka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Mohamed Hussein Roble," ayuu xusay.

Dhankiisa, cabduqaadir ayaa si gaar ah wuxuu u shaaciyey in kulankas oo horey qorshuhu u ahaa in uu qabsoomo 27-da bishan December uu yahay mid lagu saxayo tabashooyinka ka dhashey doorashooyinka.

"Waxaan magaalada Muqdisho ku soo  dhaweyney Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hishabeele iyo Galmudug Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guud laawe) iyo Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) si ay uga qayb galaan shirka wada tashiga Madasha Qaran ee uu Raisulwasaaraha ku baaqey in laysugu yimaado si loo saxo tabashooyinka ka dhashey Doorashooyinka," ayuu yiri.

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu waddaa in xal waara loogu is-mari-waaga hareeyay doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan hanaanka xulista xubnaha Golaha Shacabka oo su'aallo badan ay ka dhasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM