Xukuumadda Somalia oo war-murtiyeed kasoo saartay doorashada Galmudug

Image

MUQDISHU, Somalia- Xukuumadda Somalia, ayaa war-murtiyeed kasoo saartay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhacday todobaadkii hore, taasoo uu kusoo baxay mudane hore oo katirsanaa Barlamanka Somalia (Xaaf).

5 qodob ayuu ka koobanyahay war-murtiyeedkaas, waxaana lagu sheegay in dowladda Somalia soo dhaweynayso doorashada Galmudug.

Hogaanka cusub ayaa loogu baaqay inuu dib u bilaabo wada-hadalladii Galmudug kala dhaxeeya si loo soo afmeero khilaafka ka taagan gobollada dhexe.

Halkan ka Akhriso War-murtiyeedka kasoo baxay dowladda Somalia;

1.

Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo dhowaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.

2.

Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Gal-Mudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Gal-Mudug, si Xal kama dambays ah looga gaaro Khilaafka labada Dhinac.

3.

Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro Nabadda iyo Midnimada Deegaanka Gal-Mudug, si Shacabka reer Gal-Mudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.

4.

Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo  kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.

5.

Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Gal-Mudug iyo Hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Gal-Mudug.

GAROWOENLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM