Mahdi Maxamed Guuleed oo cambaareeyay qoraalkii murashaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka ayaa wuxuu ka jawaabay qoraalkii kasoo baxay 12-ka murashax madaxweyne ee ku saabsanaa guddiyada doorashooyinka Qaranka ee sanadka 2020-21-ka.

Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa si gaar ah wuxuu u dul-istaagay qodobka ku saabsanaa guddiga doorashada xubnaha Somaliland.

Khadar oo tibaaxay in "qoraalka uu ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab" ayaa su'aallo ka keenay dooda ay cuskadeen murashaxiinta.

"Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21," ayuu ku bilaabay.

Wuxuu raaciyey: "Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab".

"Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya," ayuu hadalkiisa ku daray.

Mahdi ayaa is-waydiiyey: "Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray?. Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha".

Dhanka kale, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka jawaabay dhawaqa Khadar ayaa ku eedeeyay in uu ka gaabiyey metelaada degaanka uu kasoo jeedo.

"Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!" ayuu kusoo qoray Facebook.

Mahad ayaa intaas ku daray: "Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin!".

Qadiyada ku saabsan guddiyada doorashooyinka 2020-21 ayaa u muuqaneysa mid is-qabqabsigeedu sii xoogeysanayo isla markaana aysan muuqan wax isu soo dhowaanshiyo ah oo ay daneeyeyaasha siyaasada dhexdooda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM