Xuska maalinta qaranimada Italy oo lagu qabtey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa waxay maanta ka qeybgaleen xuska maalinta Qaranimada dalka Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay.

Munaasabadda oo ka dhex-dhacday xeradda Xalane, oo ah xarunta Taliska Ciidamada AMISOM ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday Wasiirada Gaashaandhiga, Xasan Cali, iyo Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

Sidoo kale, waxaa xafladda ka qeybgalay Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Janaaral Cabdiweli Jaamac Gorod, Wakiiladda beesha caalamka iyo kuwa ka socotay Hay'addaha caalamiga.

Hadallo kala duwan oo ay halkaas ka jeediyeen waxay ku amaaneeyn doorka ay dowladda Talyaaniga ka qaadatay sidii ay dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya wadada horumarka iyo barwaaqadda.

Sidaasi si lamid ah, waxaa munaasabada joogay xubno ka socday xafiiska howlgalka Midowga Afrika, oo uu hogaaminayey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM, Francisco Caetano Jose Madeira.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho Carlo Campanile iyo shaqaalaha Safaraadda xukuumadda Rome ee Soomaaliya ayaa sidoo kale munaasabadda goobjoog ahaa.

Sanad walba 2-da June ayey u dabaal-degaan dadka Talyaaniga maalinta Qaranimada dalkooda, waana maalintii dadka Talyaaniga u codeeyeen inay qaataan nidaamka Jamhuuriyad.

Munaasabadaan maanta lagu qabtay caasimada Soomaaliya ee lagu xusayey maalintaan ayaa inkastoo watigeeda lasoo dhaafay, hadana ujeedkeeda ayaa lagu sheegay muujinta doorka safaarada Talyaaniga ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM