Xuud oo ku hanjabay in uu sii wadayo kacdoonka Hiiraan

Image
Cali Guudlaawe oo kaashana ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa ku guulaystay in uu iska qanciyo inta badan odoyaasha Xawaadle

MUQDISHO, Soomaaliya – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo dadka reer Beledweyne uga tacsiyeeyey qaraxii is-miidaaminta ahaa iyo dilalkii ka dhacay magaalada maalmihii lasoo dhaafay, ayaa wacad ku maray in halgankii kacdoonka ahaa ay sii wadi doonaan.

Xuud ayaa sheegay in shacabka reer Beledweyne ay maalmihii lasoo dhaafay wajaheen “dilka nabadoonkii ugu weynaa beesha Xawaadle”, dilka Taliyihii Saldhigga Beledweyne oo Haramcad dishay iyo qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay bartamaha magaalada, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 20 qof.

“Isla xisaabtan ayaa jiri doona, lagu kala hari maayo wixii ka dhacay Beledweyne, hadii iska dil ay ahaan jirtay oo la iska aamusi jiray, hada lasii aamusnaa maayo, kuwii dhibkaas geystay hadey xal diyaar u yihiin iyo hadey xoog wataanba diyaar ayaan u nahay inaan wajahno,” ayuu yiri Xuud oo masuuliyada rabshadaha dusha u saaray maamulka uu hogaamiyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Gen. Xuud oo beeniyey inuu xiran yahay ayaa sheegay in uu wada hadal u joogo caasimadda wadan dalka ee Muqdisho, hadii wada hadalada dhamaadaana uu dib ugu laaban doono xarunta gobolka Hiiraan oo uu markii hore ka bilaabay kacdoonka.

“Waayahaan waxaa la waday war ah Xuud waa xiran yahay, war ma xirniye ogaada, wadahadal ayaan Xamar u imid, mowqifkeenii kama tanaasuleyno, wadahadalkaas markii uu dhamaado ayaa war la iga heli doonaa” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xuud oo Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale odayaal reer Hiiraan ah oo ayaguna warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyeeyey geerida dadkii lagu laayey qaraxii ka dhacay Beledweyne, kaas oo qof naftiisa haligay uu ku beegsaday dad ku sugnaa goob maqaayad ah.

Saamayn Gen. Xuud ayaa meesha ka baxay markii Villa Soomaaliya ku guulaysatay in ay ka soo ka xayso magaalada Beledweyne kana soo dejiso magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, taaso oo fududaysay in Cali Guudlaawe uu qaab xasiloon ku gaaro xarunta gobolka Hiiraan bilaabana qorshaha doorashooyinka dalka.

Cali Guudlaawe oo kaashana ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa ku guulaystay in uu iska qanciyo inta badan odoyaasha Xawaadle, saraakiishii kacdoonka waday, taas oo fududaysay Villa Soomaaliya maadaama ay ka soo waday Xuud oo ahaa caqabada ugu weyn ee hortaagneed in Hirshabeelle ku shaqayso Beledweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM