Yaa Qalbi Dhagax kusoo dhaweeyay Nairobi, Kenya?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi-Dhagax], oo dhawaan laga oo daayay xabsi ku yaalla Addis Ababa, oo mudo ku dhaw hal sano uu ku xirnaa ayaa gaarey magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

Boqolaal qof, oo ay kamid ahaayeen Mas'uuliyiin horey xilal uga soo qabatey Kenya, sida Faarax Maclin iyo Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb-qaatey soo dhaweynta Qalbi-Dhagax.

Qalbi Dhagax oo kasoo duulay Garoonka diyaaradaha ee Bole airport ee Addis Ababa ayaa xalay fiidkii ka dagay Jommo Kenyatta Airport ee Nairobi halkaasi oo loogu soo dhaweeyay sida Geesi goob dagaal guulo ka keenay.

Cabdikariim Qalbi Dhagax, oo dowladda Federaalka Soomaali u gacan-gelisay September 2017 Eithiopia ayaa lagu soo waramayaa in sii deyntiisa ay ku timid go'aan kasoo baxay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo doonaya inuu heshiis la galo Ururka uu katirsan yahay ee ONLF.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareyn xooggan iyo culeyso kala kulantay dhiibistii Qalbi Dhagax, iyadoo shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay aad uga dhiidhiyeen tallaabada lagu dhibay ninkan, horey uga soo mid noqday Ciidamada xoogga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM