​4 qof oo cudurka Jadeecada ugu dhintay Somaliland

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa shaacisay in cudurka Jadeecada uu ka dillaacay qaybo kamid ah deegaanadeeda islamarkaana uu soo ritay in kabadan 40 qof.

Cudurkan oo lagu arkay qaybo kamid ah gobolka Saaxil, waxaa wasaaraddu shaacisay inay u geeriyoodeen ilaa 4 qof.

Meelaha cudurkan ka dillaacay, waxaa kamid ah; deegaanada Xagal iyo Laasaciidle.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumaddu dawooyin u dirtay deegaanada lagu arkay cudurkan.

Wuxuu sheegay in dadaal loogu jiro sidii looga hortagi lahaa dhimasho cudurkan uu keeno.

Cudurka Jadeecada ayaa ka mid tahay xanuunada sida degdegga ah u faafa.

Mas'uuliyiinta Somaliland oo taageero ka helay hay'adda UNICEF ayaa tan iyo sannadkii la soo dhaafay waday olole cudurka jadeecada loogaga talaalayo in ka badan hal milyan oo caruur ah oo da'doodu ay u dhexeyso 9 bilood ilaa iyo 9 sano.

GAROWEONLI E

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM