Askari ka tirsan booliska Somaliland oo toogasho lagu dilay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay in Talaadada maanta ah duleedka magaalada Boorama ku dileen askari ka tirsanaa bileyska Somaliland.

Gacan ku dhiigleyaasha ka dambeeyay falkaas ayaa ka cararay meesha ay wax ka dhaceen, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo u waramay warbaahinta gudaha.

Ma cadda sababta loo beegsaday askariga oo la tilmaamay in uu u geeriyooday dhaawac soo gaarey.

Illaa iyo haatan ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkaas. Warar ayaa sheegaya in uu salka ku hayo aano qabiil.

Hay'addaha nabad-gelyadda oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay ku raadjoogan kooxaha hubeysan.

Mas'uuliyiin ayaa rajo fiican ka muujiyey in lasoo qabto dableyda oo la tilmaamay in ay ahaayeen shaqsiyaad dhalinyarro ah.

Somaliland, oo ah maamul sheegta in uu ka madax banaan yahay waddanka Soomaaliya intiisa kale, ayaa nan aqoonsi caalami ah ka helin beesha caalamka tan iyo sanadkii 1991-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM