Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah oo laga furey Hargeysa

Image
Image
Image

HARGEYSA- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Furay Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah Hargeysa 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa furay  Bandhiga Caalamiga ah  ee Buugaagta Hargeysa, kaas oo galay sanadkiisii 9 aad.  

Sanad walba waqtigan ayaà Lagu qabta Magaalada Hargeysa Bandhigan oo kaĺe waxana Soo qaban qaabisa ururka Red Sea ee uu Madaxda ka yahay Jaamac Muuse Jaamac.

Dr. Sacad ayaa soo dhaweeyey martida iyo ka soo qaybgalayaasha Bandhigan waxaanu yidhi “Waanu idinku soo dhaweynaynaa Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee aad uga soo safarteen kunmanaan ka kun ee Mayl”.

Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa ayaa sanadkaan lagaga hadlayaa mawduuc muhiim ah kaas oo ah “Hoggaaminta iyo Hal-abuurka”

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM