Beesha Caalamka oo faragelisay xiisadda doorashada Somaliland

Image
Maamulka Hargeysa ayaa wajahaya kala qeybsanaan ka dhalatay dib-u-dhaca doorashada madaxtinimada.

HARGEYSA, Somaliland - Beesha Caalamka oo qoraal wadajir ah soo saartey Arbacada maanta ah ayaa ka hor-timid muddo kordhinta uu golaha guurtida Somaliland u sameeyay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Bayaankan oo ay wada saxiixeen dalal ay kamid yihiin Denmark, Finland, Jarmalka, Ingiriiska, Mareykanka iyo Talyaaniga ayaa wuxuu ugu baaqay jilayaasha siyaasada Somaliland "in ay wada-gol" gaaraan.

"Waxaan ku boorinaynaa dhamaan darafyada siyaada Somaliland in ay si wadajir ah uga wadashaqeeyaan geedi-socodka la isla ogol-yahay oo ay ku gaaraan doorasho waqtiyeysan," ayuu raaciyey bayaanka.

Geedi-socodkaas ayay hoosta ka xariiqeen in ay muhiim tahay in uu waafaqsan yahay hanaanka dimuqraadiyadda isla markaana natiijadda kasoo baxda ay wada aqbali karaan dhamaan dhinacyadda.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka ay muddo shan sano ah ay ku kororsadeen muddo xileedkooda.

Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa "xaaraan" ku tilmaamay muddo kordhinta baarlamaanka Somaliland u sameeyay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. Waddani waa xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ismaamulkan gooni-u-goosadka ah.

"Marna ma aqbalayno ku darsigaas," ayuu wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Hargeysa. Cirro wuxuu tagey baarlamaanka shalay kahor inta aysan mudanayaasha meelmarin ku darsiga.

Somaliland ayaa sheegatay in ay ka go'dey Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda.

Caalamka ayaa u aqoonsan maamul goboleed si toos ah u hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya halkasoo loosoo mariyo mashaariicda iyo barnaamijyada kale ee horumarinta. 

Rabshadhihii bishii Ogosto dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha mucaaradka waxaa ku dhintey ugu yaraan shan qof, halka 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sidda ay sheegeen mucaaradka.

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM