Biixi iyo safiirka Midowga Yurub oo ka shiray wada hadaladda DF

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxtooyadda Hargeysa wuxuu maanta oo Khamiis ah ku qaabilay wafdi uu horkacayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Biixi iyo Nicolás Berlanga Martínez ayaa kulankooda waxaa diirada lagu saarey arrimo ay kamid yihiin; wada xaajoodyadda dowlada federaalka iyo maamulkaasi si lamid ah xaalada guUd ee gobolka.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Muuse, madaxweynuhu wuxuu u cadeeyay danjiraha mowqifka xukuumadiisa ee wada hadaladda oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii.

Bayaanka ma uusan fahfaahin waxa uu yahay mowqifka, balse waxa uu horey uga dhawaajiyey Biixi in maamulkiisa diyaar u yahay wada hadal uu la galo xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda Arbacadii uu madaxweyne Farmaajo uu magacaabay guddi heer qaran ah kana kooban lix xubnood oo ka shaqeynaya wada hadalada Somaliland.

Somaliland ayaa waxay sheegataa madax banaani tan iyo sanadkii 1991-dii, balse caalamka intiisa kale wuxuu u arkaa maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka ah.

Geesta kale, mas'uuliyiinta ayaa waxay isla soo qaadeen doorashooyinka maamulka gooni isu taaga ah si gaar ah tan baarlamaanka iyo waliba goleyaasha degaanka.

Cod-bixinta oo shan jeer dib u dhac uu ku yimid ayaa lagu muransan yahay xiliga ay qabsoomeyso iyadda oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu qaadacay waqti la muddeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM