Biixi oo sheegtay dimuqraadiyad xilli loo haysto xukun jaceyl

Image
Mucaaradka ismaamulkan ayaa ku hanjabay mudaaharaad haddii doorashadda qabsoomi-waydo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa shir maanta ka furmay Hargeysa ka sheegay in Somaliland ay "ku naalooneyso" dimuqraadiyad xilli ruuxadiisa lagu eedeynayo xukun jaceyl iyo muddo kororsi.

Mucaaradka Somaliland oo ka digay "cawaaqib-xumo" haddii doorashadda madaxtooyadda aan la qaban dhamaadka sanadkan ayaa tuhunsan in Biixi damacsan yahay "isku-kooleynta kursiga" iyo "doorasho diidnimo".

Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in hadalka uu maanta Biixi ka yiri shirka uu soo agaasimay machadka The BRENTHURST Foundation uu burinayo mowqifkiisa saxda ah uuna isku-dayo in uu "qaldo beesha caalamka".

"Nabaddu waa Aas-aaska qaran dhiska iyo horumarka, xasilloonida iyo amniga aad gacantaada ku samaysato ee aad halka ugu hoosaysa kasoo bilowdaa waxa uu ka wanaagsan yahay midda dunida kale kuusoo waariddo," ayuu raaciyey Biixi.

Khudbadda Biixi oo ku baqeysay luuqadda English-ka ayaa u sheegtay beesha caalamka "inay Somaliland diyaar u tahay inay dunida wax la qaybsato, iskaashi buuxana la yeelato cid kasta oo ay isku dan noqdaan".

"Shirkan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto Geeska Afrika ayaa Somaliland u ah fursad weyn oo ay ku muujinayso qaangaarnimadeeda, is-kaashi caalami ah iyo kasbashada saaxiibbo cusubba, shirkan iyo kuwo ka waaweyna in lagu qabto u diyaarsan tahay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Biixi.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay raadinaysaa aqoonsi ay ka hesho beesha caalamka oo wali u aqoonsan maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM