Biixi oo u goodiyay salaadiin ka hadlay wadahadalka Somaliland iyo DF

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo maanta war-fidiyeenka kula hadlay Hargeysa, ayaa fariin u diray odayaal dhowaan ka hadlay wadahadalka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Biixi oo luuqad adag adeegsaday ayaa carabka ku adkeeyay in salaadiinta looga baahan yahay in ay diyaar-garoobaan cawaaqibka ka dhalan karta "arrimaha aysan shaqada ku lahayn oo ay gacmaha la galeen".

Wax-garadka oo qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah u waramay ayaa soo jeediyey in sidda ugu dhaqsiyaha badan dib loogu furo wadahadalada.

"Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo," ayuu yiri.

Dhanka kale, Biixi ayaa meesha ka saarey warar maalmihii dambe la hadlayey oo ku saabsan in ay socdaan wadahadalada hoose oo ay garwadeen ka yihiin dalal shisheeye.

"War suuqeed"

Hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka sheegta tan iyo sanadka markii uu ahaa 1991-dii ayaa ku sifeeyay warbixinadaas "war suuqeed been abuur ah".

Balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin miiska wadahadalka. Hase ahaatee, dhinacyada waxay dhowr jeer sheegeen hadalo noocaan mana qaadin wax talaabo ah.

"Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare," ayuu Biixi ka dhawaajiyey.

Wadaxaajoodyadda dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jira muddo badan, waxaana xukuumadda Nabad iyo Nolol ay ku guuldareysatay in ay dib u bilowdo, wallow ay horey u balanqaadey.

MUUQAALKA MUUSE BIIXI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM