Biyo-xireen ku yaalla maamulka Somaliland oo liqay taliye ciidan

Image
Sarkaalkan ayaa lagu waramay in uu u tagay dhaamka si uu ugu soo dabaasho balse uu ku nafwaayay.

HARGEYSA, Somaliland - Taliye ka tirsanaa askarta dab-damiska Somaliland ayaa Isniintii shalay geeriyoodey kadib markii uu liqay biyo-xireen, sidda uu xaqiijiyey hogaanka sarre ee ciidamaddan.

Caydaruus Cumar Ibraahim oo ahaa taliyihii ciidanka dab-damiska ee magaalada Gebilay ayaa lagu waramay in uu u tagay dhaamka si uu ugu soo dabaasho ayna wehliyeen askar kale oo badbaadey.

Cabdifataax Maxamed Sulux, hoggaanka howlgelinta ciidanka dab-damiska Somaliland oo dhacdadan xaqiijiyey, ayaa daaha ka rogay in ay isku-dayo sameeyeen si ay u soo badbaadiyaan marxuumka.

"Hase ahaatee, habeenimo ayay nagu noqotey qalabkiina wuu naga yara soo daahay, ilaaheyna ha u naxariisto," ayuu Sulux ku yiri wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da.

Marxuumka ayaa ciidamadda dab-damiska Somaliland ku biiray sanadkii 2018-kii. Arday imtixaan u gashay kadibna ku guuleystay in la shaqaaleysiiyo ayuu kamid ahaa, sida Sulux uu tibaaxay.

Sida laga soo xigtey Sulux, marxuumka ayaa ahaa xaasle wuxuuna ifka kaga tagay laba caruur ah. "Waxaan tacsi u direynaa qoyskiisa iyo dhamaan asxaabtiisa," ayuu hadalkiisa raaciyey taliyaha.

Biyo-xireenka weyn ee Gabiley ayaa balaciisu yahay 28 kaabo oo mid kasta tahay 1/5 mitir, waxaana kaliya banaan 4 kaabo taasoo ka dhigan in 24-ka kale ay biyo-fadhiyaan balaciisuna waa mitir iyo bar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM