Cirro: Waa 'xaaraan' muddo kordhinta loo sameeyay Biixi

Image
Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

HARGEYSA, Somaliland - Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa "xaaraan" ku tilmaamay muddo kordhinta baarlamaanka Somaliland u sameeyay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. Waddani waa xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ismaamulkan gooni-u-goosadka ah.

"Marna ma aqbalayno ku darsigaas," ayuu wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Hargeysa. Cirro wuxuu tagey baarlamaanka shalay kahor inta aysan mudanayaasha meelmarin ku darsiga.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka muddo shan sano ah ku korosatay muddo xileedkooda.

Dhawaan guddi doorashada Somaliland ayaa sheegay inaysan doorashada Somaliland ku dhici karin xilligii loo tala galay inay ku qabsoonto oo ku aaddan bisha December 2022. Xisbiyada mucaaradka weli kama hadlin kororsiga muddo xileedka hay'adaha dowladda.

Dhowr jeer oo hore ayay mucaaradku diideen muddo korosi, iyaga oo ku baaqay in doorashada guurtida iyo madaxweynaha isku mar wakhtigooda lagu qabto, waxaana dibadbaxyo looga soo horjeedo dib u dhaca doorashada ay ku qabteen magaalooyinka kala duwan ee Somalilland.

Somaliland ayaa dib-u-dhigtey doorashada madaxtinimada ee loo qorsheeyay ilaa sanadka soo socda, halkii ay ka dhici lahayd bisha November oo uu ku eg yahay madaxweynaha xilka haya, sida ay sheegeen guddiga doorashada maamulkaas Sabtidii.

Bishii Ogosto, maamulka wuxuu wajahay mudaaharaadyo ay dad badani ku dhinteen. Banaanbaxayaashu waxay dalbanayeen in doorashada la qabto bisha November, iyadoo ay jiraan tuhunno ah in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi doonayo inuu dib u dhigo doorashada iyo muddo kordhin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM