Coronavirus oo xoojiyey kala qeyb-sanaantii ka jirtay Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wadajirka waa habka kaliya ee lagula tacaali karo Coronavirus, kala qeyb-sanaanta waxay u tahay fursad uu ku faafo, sidda ay qirtay Qaramadda Midoobay oo midnimada adkeysay.

Si ka duwan midaas, gudaha Somaliland caabuqa ayaa xoojiyey kala qeyb-sanaantii hore u jirtay. Madaxweynaha maamulka, Muuse Biixi Cabdi, iyo dhakhaatiirta ayaa madaxa isugula jira.

Biixi iyo dhakhaatiirta ayaa isku haya hanaanka loo fulinayo talooyinka caafimaad ee sahlaya in laga hortagga safmarka dilaaga ah.

Maxamed Cabdi Gaboose waa mid kamid ah dhakhaatiirta sidda furan ay warbaahinta hadalo kulul isku mariyeen Muuse Biixi.

Markii ugu dambeysay, Biixi ayaa ku eedeeyay Gaboose in uu isaga gacmaha kula jiro arrimaha uu dadweynaha ka wacyigelinayo oo ay kamid tahay in la joojiyo kulamadda waaweyn ee munaasabadaha.

Sidda laga soo xigtay hogaamiyaha maamulka Hargeysa, dhakhtarka ayaa dhowaan xaflad isugu keenay boqolaal shaqaalahiisa.

"Hadii dhakhtaradii ugu waaya aragsanaa dadkii isku keenayaan, tan daayana ay leeyihiin, iyagana meel qura hanoo mariyeen. Dhakhtarada iyagu hana tuseen tusaalaha; sidda loo kala tago, sidda loo kala durgaayo, waxay noo sheegayaan iyaga haka muuqdaan," ayuu yiri, isagoo farta ku fiiqaya dhakhaatiirta waaweyn, wallow uusan cid gaar ah carabaabin.

Hase ahaatee, Dr-ka oo iska difaacay eedeyntaas kulul ayaa wuxuu ku adkeystay in howlwadeenadiisa la hubiyey caafimaadkooda.

Xilli uu xafiiskiisa kula hadlay war-fidiyeenka Mr Gaboose ayaa meesha ka saarey in kaalintiisa "is-xilqaanka ay siyaasadi ka dambeyso".

“Waxaa mucjiso igu noqotay in madaxweynihii aan u hiilinaayay uu hiilkaygii ku noqday waran uu ka gam’i waayay, madaxweyne shaqaalaha aan sawirka la soo galay waa dad haysta caafimaad buuxa, haddii tusaale la qaadanayo weli ma is eegtay madaxweyne adigu in aad afka duuban tahay iyo in aad xidhan tahay goloofiskii gacmaha, anigu madaxweyne kula ficil tami maayo waayo waan kaala hanweynnahay taas," ayuu xusay.

Somaliland ayaa laga xaqiijiyey Sagaal xaaladood oo ah safmarka Covid-19 iyo hal kiis oo ah dhimasho, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee kasoo baxday Wasaaarda Caafimaadka dowlada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM