Dadka uu Coronavirus ku dilay degaanada Somaliland oo korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Khamiista maanta ah shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 14 kiis cusub oo ah safmarka faafa ee Corona.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, dhamaan bukaanadda cusub waa muwaadiniin aan safar gelin. Tobban kamid ah waa rag, halka afarta kalena ay yihiin Dumar.

Da'ooda waxay u dhaxeysaa 20jir ilaa 80jir. Si lamid ah, 12-kamid ah waxay joogaan magaaladda Hargeysa, 2 kelana Saaxil.

Hal qof oo da’diisu tahay 80-jir isla markaana deganaa Hargeysa ayaa geeriyooday, taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan ugu dhintay Somaliland 6, sidda lagu caddeeyay qoraalka.

Lama soo warin bukaan caafimaadey 24-kii saac ee lasoo dhaafay, taas oo la macno ah in tirada bogsatay ay wali tahay todoba.

Dadweynaha ayay ku tartarsiisay in ay qaataan talooyinka caafimaadka oo ay kamid tahay faraxalka badan iyo kala fogaanshiyaha.

Sikastaba ha-ahaatee, kororka maalinlaha ah ee xaaladaha xanuunka ee Somaliland ayaa si maalinle ah u socda, waxaana barbar socda talaabooyinka maamulku kaga hortagayo faafitaan horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM