​Doorashada Somaliland oo dib loo dhigay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Axsaabta siyaasadda Somaliland, ayaa isku raacay in muddo lix bilood ah dib loo dhigo doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas kadib waraaq si wadajir ay usoo saareen Xisbiyada kala ah; KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Dib u dhigista doorashada, ayaa loo aaneeyay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Maamulkaas, waxayna sheegeen in loo baahanyahay sidii dadka tabaalaysan loo samatabixin lahaa.

Xisbiyada, ayaa isku raacay inaysan suurogal noqon karin qabashada doorashada iyadoo maamulkaasi ka jiraan abaaro halis galiyay nolosha dadka iyo duunyada intaba.

War-qad si wadajir ah u saxiixeen Guddoomiyaash saddexdaasi xisbi, ayay ku sheegeen inay iska hor imaanayaan waqtiga qabashada doorashada iyo abaarta jirta, waxaana taasi kaliftay in Xisbul Xaakimka KULMIYE codsado dib u dhigis lagu sameeyo waqtiga doorashada.

Labada Xisbi Siyaasdeed ee Mucaaradka ayaa go'aamiyay in sannad barkiis dib loo dhigo waqtiga ay dhacayso doorashada Madaxtinimo, taasoo  qorshuhu ahaa inay qabsoonto 28 March, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM