Dufaan dhimasho sababtay oo ku dhufatay Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay, 15 kale uu dhaawacyo kala duwan kasoo gaarey kadib markii Roobab dabaylo wata ay ka da'een degmada Salaxley oo katirsan Somaliland.

Duufaanka ku dhufatay Salaxley oo qiyaasyii 80-KM dhanka Barri uga beegan Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa waxaa sidoo kale ay baabi'isay in ka badan 20 Guryo.

Dadka deegaanka oo u waramay Warsidaha Garowe Online, waxay u xaqiijiyeen in meelaha ay cagta marisay Duufaanta uu ku jiro Gurigii gudoomiyaha degmada iyo Isbitaalkii guud ee Magaalada.

Wararka ayaa waxay intaas ay ku darayaan in Roobabka dabaylaha watay oo xalay ku dhuftay degmada Salaxley uu sababay in Dadku uu waaga ugu baryo iyagoo banaanka jooga.

Qeylo dhaan ba'an ayaa waxay kasoo yeerysaa dadka deegaanka, waxayna cod-sanayaa in gurmad dhinac walba lala soo gaaro, maadaama ay haysto xaalad bani'aadanimo, tii ugu darneed.

Dhawaan ayey ahayd markii Duufaanka Sagar ee ku dhuftay deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Somaliland ay ku dishay dad iyo doonyo badan, iyadoo baabi'say Boqolaal guryo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM