Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay oo ka degay Hargeysa

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Ergayga cusub ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa Sabtidii wuxuu gaarey magaaladda Hargeysa, caasimadda Somaliland.

James Swan oo la kulmay soo dhaweyn diiran ayaa waxa uu wada hadalo la yeelan doonaa saacadaha soo aadan mas'uuliyiinta ugu sareysa ee maamulkaasi.

Xubnaha uu la fariisanayo ayaa la sheegayaa in uu kala xaajoonayo arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo wada hadalka dowlada federaalka iyo Somaliland.

Waa markii ugu horeysay oo uu cago dhigto Hargeysa tan iyo markii loosoo magacaabay wakiilka gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Swan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa horey u tegay gebi ahaanba xarumaha maamul goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo sanadkii 1991-kii, balse wadamada caalamka intooda badan ayaa waxay u arkaa maamul hoostaga Muqdisho.

Socdaalka Swan ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo xisbiga Somaliland ay Sabtidii soo afjareen khilaafkii doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM