Faysal Waraabe oo xasaanada laga qaadayo, dacwadna wajahaya

Image

HARGEYSA, Somaliland - Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Talaadada maanta ah shaaciyey in ay xasaanada ka xayuubinayaan Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka UCID.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga oo uu arkay Garowe Online ayaa siyaasiga ku eedeeyay "in uu jebiyey qodobo dastuuri ah isla markaana uu liddi ku yahay midnimadda iyo wadajirka Somaliland".

Bayaanka oo Faysal ku sifeeyay "nin aan ixtiraamin kuna dhaqmin dastuurka" Somaliland ayaa guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada faray in uu xasanaad ka qaadis ku sameeyo Faysal "si loo dacweeyo".

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay dalabka. Balse waxay imaaneysaa xilli dhowaan uu Faysal Cali Waraabe uu weerar afka ah ku ekeeyay gudoomiyaha golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax.

Isagoo u waramaya warbaahinta maxaliga ah, Faysal ayaa xusay in Baashe uu "dulsaar ku yahay" Somaliland isla markaana uusan kalsooni ka haysan beesha uu kasoo jeedo kana gedi karin Somaliland.

Wallow uusan dacwad soo qaadin, Beeshe oo ka jawaabay hadalka "xanafta leh" ayaa Faysal ku qeexay "mid kala qeybinaya" bulshadda Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in uu "galay dambi Qaran".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan eedeymaha iyo dalabka Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Fasayl Waraabe iyo xisbiga uu majaraha u hayo.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

No photo description available.

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM