Gambia oo ku gacanseyrtay dalab kaga yimid maamulka Somaliland

Image

BANJUL, Gambia – Dowladda Gambia ayaa ganafka ku dhufatay codsi kaga yimid maamulka Somaliland oo ahaa in ay dal madax-banaan u aqoonsadaan, sidda uu ku waramay wargeyska The Freedom Newspaper.

Jaraa'idka afka dheer ayaa wuxuu soo xigtay hadal uu wasiirka arrimaha dibadda waddankaas u sheegay xubnaha baarlamaanka.

Sidda laga soo xigtay joornaalka, Mamadou Tangara ayaa ictiraaf ay siiyaan Somaliland ku sifeeyay "sharci darro diblumaasiyadeed".

"Wasiirka arrimaha dibadda Tangara ayaa ka digay in ay dowladda Gambia ku noqon karto sharci daro diblumaasiyadeed oo aan sabab lahayn hadii ay qaado talaabadaas," ayay Jariiradda daabacday.

Talaabadaan ayaa dharbaaxo ku noqon doonto xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo dedaal ugu jirtay in lagu daro qariiradda caalamka.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Gambia ayaa wadday olole ku aadan in dowladooda ay aqoonsato Somaliland.

Dhawaqa kasoo yeeray Gambia ayaa kusoo hagaagaya xilli Somaliland ay heshiis is-dhaafsi xafiis wakiileed iyo wadashaqeyn ay la gashay Taiwan, talaabadaas oo dowladda Shiinaha ay si adag oo carro uga digtay.

Gambia waxay sanadkii 1996-dii wadan madax-banaan u aqoonsatay Taiwan, balse madaxweyne Yahya Jammeh oo lagu eryay dibad-baxyo markii doorashooyinka looga adkeeyay ayaa soo afjaray 2013-kii.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse Beesha Caalamka waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed hoostaga xukuumada Muqdisho, wallow ay ka biyo diidaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM