​Ganacsatada Somaliland oo lacago ku deeqay

Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayaa magaalada Hargaysa kula kulmay 10 November, 2016 qaar kamid ah mulkiilayaasha shirkadaha waaweyn iyo ganacsada kale ee ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Kulankan oo ka dhacay xarunta looga arrimiyo Somaliland, ayaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu halakaysay ee ku dhaqan deegaanada maamulkaas, waxaana lagu yaboohay lacago loogu gurmanayo dadka tabaalaysan.

Shirkaha waaweyne ee dhinaca Is-gaarsiinta ayaa ku deeqay lacago tiro badan, waxaana wadar ahaan lagu bixiyay kulankaas lacag gaaraysa Malyna iyo Shan iyo Sodon kun oo Doolar [$1,035.000].

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa warbaahinta u shaaciyay lacagaha lagu deeqay iyo sida loo kala bixiyay;

  • Shirkada TELESOM: (150.000$) oo laba qaybood ah. Sideetan kun 80. 000 $  oo ay guddida ku wareejinayso iyo todobaatan kun (70.000$) oo ay gobolada kaga yabooheen
  • Shirkada Dahabshiil Group: (200.000$)
  • Shirkada Haamaha kaydka Shidaalka Berbera (BOG): waxay ku deeqday (150.000$)
  • Shirkada OOMAR: (200.000$)
  • Shirkada Somcable: (200.000$)
  • Red Sea company: (50. 000$)
  • Shirkada Al Harbi: (80. 000$), oo isugu jira sodon kun (30. 000$) oo doolar oo kaash ah Iyo konton kun (50. 000$) oo raashin ah.

Arrintan, ayaa timid kadib markii laga dayriyay xaaladda dadka abaartu saamaysay ee ku dhaqan Somaliland, waxaana la sheegay inay halis ku jirto nolosha aadanaha, halka duunyadii ay le'deen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM