​Garabyada UCID oo shirar ku qabsanaya Hargaysa

Image

HARGAYSA, Somaliland- Garabyada is haya xisbiga mucaaradka UCID, ayaa maanta lagu wadaa inay labo shir ku kala qabsadaan daafaha magaalada Hargaysa, kaasoo ay sheegeen inay uga hadlayaa aayaha xisbigaas.

Garabka Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku shiray Hotel Masoor, halka dhinaca Faysal Cali Waraabana, ku kulmi doonaan hotel Adams ee magaalad Hargaysa.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta, balse arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafkii ka dhex oognaa labada garab.

Waxay sidoo kale jabiyeen go'aankii maxkamadda ee ahaa inay qabtaan shir-weyne looga hadlayo hishiis ay labada mas'uul ee is haya kala saxiixdeen sannadkii 2012.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta xisbigaas ee ku sugan Awdal ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu ka qayb qaato sidii xisbigaas loo bad-baadin lahaa.

Khilaafkan, ayaa yimid iyadoo waqti kooban ka harsantahay doorashada maamulkaas oo xisbiyada kale loollan ugu jiraan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen hogaanka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM