​Guddoomiyihii Sariflayaasha Hargaysa oo geeriyooda markii la xiray

Image

HARGAYSA, Somaliland- Guddoomiyihii sariflayaasha Hargaysa caasumadda Somaliland ayaa maanta ku gueeriyooday cusbital ku yaalla magaaladaas kadib markii markii laamaha amnigu xireen 25 bishan.

Marxuum Cabdullaahi Cali Barre, ayaa la xiray isaga iyo shan qof oo kale kadib markii ay ka horyimaadeen arrimo la xiriira sare u kaca lacagta oo cabasho xooggan ka muujiyeen dadweynaha.

Tallaabadaas ayaa keentay in golaha wasiirradu shir yeeshaan oo xadidaan sarrifka lacagaha qalaad, waxaana tallaabadas diiday dhowr qof oo ku jiro Guddoomiyii sariflayaasha caasumadda Somaliland.

Lama oga sababta geeridiisa keentay, waxaana la dhigay cusbital ku yaal Hargaysa isagoo baaritaan lagu samaynayo.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland Yaasiin Xaaji Max'uud Xiir ayaa BBC-da u sheegay in geerida marxuumka aysan wax xiriir ah la lahayn xarriga, balse loo malaynayo inuu u dhintay waxyaabo u raacay Quraac uu cunay subaxnimadii hore ee maanta.

''Wuu quraacanayay, waxaan u maleynayaa mid ka mid ah Ilkahiisa oo dhacay inay raashinka u sii raacday oo cunaha ka joogsatay, Dhakhtarka ayaa loola cararay intii la sii waday ayuu dhintay,'' Sidaas waxaa yiri mudane Xiir.

Tallaabadan ilaa hadda kama aysan hadlin sariflayaasha Hargaysa, waloow qaybtood ay tacsi u direen ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay mudane Barre.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM