Guriga Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo la weeraray

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wararka aan ka helayno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weerar lagu qaadey Guriga Cabdiraxmaan Cirro, oo kamid ah saddexda musharax ee u tartamaysa xilka Madaxweynaha Somaliland.

Ilo-wareedyo ku sugan Hargeysa ayaa sheegay in dad loo maleynayo inay yihiin taageeriyaasha Xisbiga KULMIYE ay weerar ku qaadeen hoyga Cabdiraxmaan Cirro xalay abaare 11:00 P.M.

Dadkan weerarka ku qaadey Guriga Cabdiraxmaan Cirro ayaa watay dhagxaan, biro, ulo iyo waxyaabo kale, oo la dhaceen ciidamada amaanka Guriga musharaxa, waxaana ku dhaawacmay hal askari.

Xubno katirsan KULMIYE oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa shaki geliyay in kooxda weerartay Guriga Cabdiraxmaan Cirro ay kamid yihiin taageeriyaashooda.

Saraakiishana ayaa sheegay in dadka weerarka geestay ay yihiin kuwa doonaya inay iska horkeenaan Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, oo loolan xooggan u dhaxeeyo.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli hadallo xanaf leh ay maalmihii dambe is-dhaafsanayeen Mas'uuliyiinta iyo musharaxiinya saddexda xusbi ee uu tartamaya Xilka Madaxtinimada Somaliland. Halkan ka akhri Warbixinta Garowe Online.

Maxkamada sare, Gudiga doorashooyinka, Odayaasha dhaqanka iyo culimada ayaa ugu baaqay Xisbiyada inay ka fogaadaan aadeegsiga erayada dhalin karo in qalalaase uu ka dhaco doorashada Somaliland.

Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa maanta isasa bax ololaha doorashada ku leh Boorama, ee xarunta gobolka Awdal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM