Imaaraadka oo u yeeray Madaxweynaha Somaliland [Daawo]

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo sabti ah u ambabaxay dalka Imaaraadka.

Afhayeenka Madaxtooyadda, Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in safarka Muuse Biixi uu yimid kadib markii dowladda Imaaraadka casuumaad usoo dirtay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelinayaan wasiirrada Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Ganacsiga Wershedaha iyo Dalxiiska.

Safarka Muuse Biixi oo ah mid shaqo ayaa qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxaana inta uu ku sugan yahay magaaladda Abu Dhabi kulamo la qaadan doonaa Madaxda Imaaraadka iyo saraakiisha DP World.

Safarka Muuse Biixi ayaa ah midkii labaad ee uu dalkaas Imaaraadka ku tago tan iyo intii uu hoggaanka Somaliland qabtay, November 2017.

DP World ee laga leeyahay Imaaraadka ayaa maalgashi ku sameynaysa Dekadda Berbera, kadib markii heshiis ay la gashay maamulka Somaliland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM