Jabuuti oo "dad ka yimid" Somaliland ka heshay cudurka Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Jabuuti ayaa Axada maanta ah heshay kiisas cusub oo Coronavirus ah, sidda uu baahiyey Telefishinka ku hadla afka dowlada.

Sidda ku xusan warbixinada, kiisaska cusub ee la xaqiijiyey ayaa gaaraya afar. Bukaanada dhamaantooda waa muwaadiniin Jabuutiyaan ah.

Tv-ga ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in shaqsiyaadkaas ay dhowaan kasoo laabteen gudaha maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

"Waxay Jabuuti kasoo galeen dhanka xuduudka dhulka ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warka laga sii daayey Telefishinka Dowladda Jabuuti.

Lama shaacin magacyadda iyo sawiradda shaqsiyaadka, sababo ku aadan in aan laga haysan dhankooda ogolaanshiyo ah in la baahiyo.

Somaliland ayaa mar sii horeysay u sheegtay in degaanadeeda uusan ka jirin kiis fayruskaas ah, balse ay jireen warar xoojinaya sheegashooyinkaas.

Kiisaska Covid-19 ee gudaha Jabuuti ayaa haatan kor-u-dhaafaya tobban, kuwaasoo ay kamid yihiin ajaaniib, nasiib wanaag lama soo warin wax geeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM