Swan oo sharaxay "wadahadalo sarre" oo u socda DF iyo Somaliland

Image

NEW YORK, US – Wadaxaajoodyo heer sarre ah ayaa u socda madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sidda ay Khamiista maanta ah daaha ka rogtay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa hadaladaas wuxuu ka sheegay shir balaaran oo uu Golaha Ammaanka UN-ka ka yeeshay xaalada dalka.

Sidda laga soo xigtay diblumaasiga Ameerikaanka ah, UN-ka ayaa wuxuu dhiiragelinayaan wadahadaladdaas hoose ee socda.

James Swan ayaa tibaaxay in wadahadalada ay yihiin kuwa dhabaha loogu xaarayo shirar fool ka fool ah oo mustaqbalka dhaca.

"Marka aan u jaleeco xiriirka Soomaaliya-'Somaliland', waxaan dhiiragelinaynaa wadaxaajoodyadda heerka sarre ee socda, kaas oo labada dhinac ay isugu diyaarinayaan joogteynta xiriirka iyo baadigoobka wadahadalada mustaqbalka," ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa dhinac marsan dhawaqyo maalmihii u dambeeyay kasoo yeerayay hogaanka Somaliland oo ku saabsanaa in aysan la hadli doonin dowladda federaalka ah hadii aysan aqoonsan qadiyadooda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa 18-kii May ee sanadkan 2020 soo jeediyey maxkamad caalami ah oo ay "ku kala baxaan Soomaaliya iyo Somaliland". Tani waxay dhalisay waydiimo aan laga jawaabin.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse ma helin aqoonsi caalami ah. Wadahadalada Muqdisho iyo Hargeysa waxay hakad ku jiraan ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM