​Jilaagii caanka ahaa "Boon Xirsi" oo geeriyooday

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waxaa caawa magaalada Hargaysa xarunta maamulka Somaliland ku naf-waayay Jilaagii Somaliyeed ee caanka ahaa Boon Xirsi, kaasoo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay halkaasi.

Eheleda Marxuumka, ayaa warbaahinta u xaqiijisay geerida ku timid abwaanka.

Wuxuu kamid ah rag faro ku tiris ah oo ka haray dadkii loogu jeclaa masraxa iyo ruwaayadaha isagoo ka hor geeridiisa beelay Aragga, wuxuuna ku sugnaa Hargaysa walow waayadii dambe aysan wanaagsanayn xaaladdiisa caafimaad.

Geerida marxuumka, waxaa tacsi ka diray qaar kamid ah abwaannada iyo bahda fanka Somaliyeed iyagoo Boon Xirsi ku sifeeyay shakhsi ilaahay hibo u siiyay inuu ka qosliyo dadka islamarkaana uu hanto quluubta qof walba oo dhagaysanaya.

Waxay ALLE uga baryeen inuu jannadi Fardowsa ka waraabiyo iyagoo sheegay inay aad uga xunyihiin dhimashadiisa.

Geerida Marxuumka, ayaa timid xilli ay sii dhammaanayaan abwannada iyo fannaaniinta magaca ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed, kuwaasoo bur-burkii dowladdii dhexe militariga aysan jirin cid gacanta ku haysa xaaladooda iyo nolooshooda intaba.

Waxaa iminka jira Abwaanno badan oo aysan wanaagsanayn xaaladdoo caafimaad iyo fannaaniin muddo dheer sariir saaran, mana jirto dowladda ama maamul la socda baahidooda oo istaaga sidii loo caawin lahaa.

Maamulka, tifaftirayaasha iyo howl-wadeennada Garowe Online, ayaa sidoo kale diray tacsi tiiraanyo leh oo ay hawada u marinayaan dhammaan ehelkiisa iyo bulshada Somaliyeed ee uu ku baxay Boon Xirsi.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM