Laba qodob oo Somaliland ku qasbay "xabad-joojinta" Laascaanood

Image
Cadaadis uga yimid Beesha Caalamka ayaa ugu weyn kadib hadaladii Duqa magaalada iyo Garaad Jaamac.

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd ayaa si caro leh uga jawaabay war saxaafadeedyada kasoo baxay beesha caalamka, Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo hay'adaha xuquuqul insaanka, isaga oo ku tilmaamay "been la faafinayo".

Beesha Caalamka ayaa si isku mid ah u cuskatay hadalkii uu jeediyay duqa magaalada Laascaanood ee ahaa in ciidamada Somaliland ay duqeynayaan goobaha shacabka, taasina ay sababta qax iyo dhimasho soo gaartay dadka rayidka ah ee aanan waxbo galabsan.

Iyaga oo cuskanaya hadalka duqa ayay beesha caalamka ku cadaadisay Somaliland in ay joojiso dagaalka. Tani ayaa ugu dambeyn maamulka Hargeysa waxay ku qasabtey in ay ku dhawaaqdo xabad-joojin hal dhinac ah.

Marka laga hadlayo nidaamka ay u shaqayso diblumaasiyadda adduunka iyo macaamilka dowliga ah, ma jiro miisaan ka culus hadalka mas’uul dadweynaha soo doorteen.

Cabdirixiin Cali Ismaaciil ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii kusoo baxay doorashooyinkii dowladaha hoose ee Somaliland, iyada oo markii dambana Golaha Deegaanka magaalada u doorteen in uu noqdo duqa magaalada.

Balse xiligaasi Somaliland ma aysan ka warhaynin in uu noqon doono hubka ugu weyn ee wax kasta ka saamaynta badan ee dhabarka ka jabin doona diblumaasiyadda la dhisayay sodonka sano.

Hadalka Garaadada ayaa isna yeeshay saamaytiisa, iyada oo Garaad Jaamac oo ku hadla afka Ingiriiska uu waraysi siiyay BBC-da laanta la hadasha adduunka, sheegayna in waligood aysan ka mid noqonin Somaliland, xoogna lagu haystay taasoo dharbaaxo kale ku noqotey Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM