Lacagta "loo balanqaadey" Biixi hadii uu Farmaajo ka dego Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland – Muuse Biixi Cabdi waxaa loo balanqaadey aduun lacageed hadii madaxweyne Maxamed Farmaajo u ogolaado booqashada Hargeysa, sidda uu shaaciyey mucaaradka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa Sabtida maanta ah warkaan u sheegay saxaafadda gudaha.

Isagoo uu garabkiisa taagan yahay Cabdiraxmaan Cirro, hogaamiyaha xisbiga WADDANI, Faysal Waraabe oo Biixi ku qeexay "khaa'in weyn" ayaa ku goodiyey in uusan sii ahaan doonin madaxweyne.

Mudadii uu xafiiska joogay ayuu carabka ku dhuftay in Somaliland ay siyaasadda arrimaha dibadda ka noqotay "mid fadhiid ah".

"Sideed boqol oo Milyan oo Doolar oo la yiri Soomaaliya waxaa la siinayaa marka laga dhaafo deynta ayaa la yiri boqolkiiba soddon baad yeelaneysaan, laakiin bishuruud la yiri Farmaajo kula kulma Jabuuti, fariintaas waxaa sidday [ergaygii] UN-ka iyo Beesha Caalamka," ayuu Faysal Waraabe xusay.

Wallow uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa, Faysal ayaa tibaaxay in Biixi lacagtaas "loogu ballanqaadey" kulankii uu Addis Ababa kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya.

Is-araggaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, oo Muuse Biixi u fidiyey martiqaad gaar ah.

Wuxuu raaciyey: "Waanu diidnay annagu, annagu gacanta hoos ma gishaneyno dowladdaan heshiis ku nahay, sideedii boqol oo Milyan baa loo sheegay [Biixi], waakaa [u hanqaltaagaya]. 45 [daqiiqo] ayuu Somaliland ku xaraashay. 45 mirir oo qura ayay wada joogeen [madaxweyne Farmaajo-ha Soomaaliya].

Dhankale, xisbiyadda mucaaradka Somaliland ayaa dalbaday in uu Biixi bulshadda la wadaago nuxurka warqadda uu u diray Abiy kadib dalabka ku saabsan in uu Farmaajo tago Hargeysa, taasoo uu diidey.

Ugu dambeyntii, waxay soo jeediyeen doorashooyin waqtigooda laga soo horumariyey oo baarlamaanka, madaxtooyadda iyo goleyaasha degaanka ah, taasoo "xal u ah fashilka hogaamineed ee Muuse Biixi Cabdi".

MUUQAALKA FAYSAL

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM