Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dhimashadda Axmed Xudeydi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka tacsiyeeyay geerida Axmed Ismaaciil Xuseen [Xudeydi], boqorkii kabanka, kaas oo fayruska Coronavirus ugu dhintay London, caasimada Ingiriiska.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Biixi ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha maamulka Hargeysa uu murugada la wadaagayo qoyska, ehelka iyo asxaabta marxuumka.


Hoos ka akhriso nuqul kamid ah bayaanka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Boqorkii Cuudka Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen "Xudeydi" oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 07/08/2020, dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay fanka iyo suuganta oo uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay fankii hore iyo kan casriga ahba, isagoo ku soo galay da'da 18 sanno jir, kana bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen, maantana uu da’a 92 sanno jir ku hoyday, waxaanu ka mid ahaa dad fara-ku-tiris ahaa oo ay ka mid ahaayeen, abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed) abwaan Cabdilaahi Qarshe, iyo macalinkiisi Cabdi Xandule Shanle oo wax ka bedelay kagana tegay taariikh suugaanta.

Waaxaanu ku dhashay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, 1928-kii, waxaanu door weyn kulahaa halgankii xornimo doonka ee 1960 ay Somaliland maxmiyadii boqortooyada Ingiriiska kaga qaadatay xornimadeeda, isagoo ku suntan taariikho badan oo ma guuraan ah marxuumku.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


In ka badan 40 qof oo Soomaali ah ayaa dalalka Ingiriiska iyo Sweden uu ku galaaftay caabuqa Covid-19, kaas oo guud ahaan caalamka ku laayey dad tiradoodu kor-u-dhaafeyso 70-kun, waxaana uu ku dhacay 1.5 malyuun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM