Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo beeniyey warar laga faafiyey [ DHAGEYSO]

Image

HARGEYSA, Somaliland- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo ku sugan magaalo madaxda dowlada Somaliland ee Hargeysa ayaa beeniyey warar lagu qorey Baraha Internet-ka kuwa soo sheegayey inuu wadahadal siyaasadeed la yeeshey madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Warsidaha Garowe Online oo wax ka waydiiyey Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland xaqiiqda wararkaan ayaa beeniyey isagoo xusey in Hargeysa u joogo arrimo gaar ah kuwasoo aan siyaasada ku lug laheyn. 

Cabdisamad Cali Shire oo tan iyo inta uu xilka ka dagey ku sugnaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sheegey in wadanka dibadiisa u aadey arrimo caafimaad isagoo sheegey in dhowaan Puntland ku soo noqon doono. 

Hadalkii  ku xigeenkii hore ee Puntland uu kaga jawaabey su'aal Garowe online waydiisey ayaa sidaan u dhacey: HALKAAN RIIX OO KA DHAGEYSO  

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM