Markabkii la qafaashay ee kusii jeeday Somaliland oo lasii daayey

Image

RIYADH, Sacuudiga – Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa xorriyadooda u celiyay shaqaalihii la socday maraakiibtii ay todobaadkaan ku qabsadeen Badda Cas.

Howladeenadda oo u kala dhashay Kuuriyadda Koonfureed iyo Sacuudiga ayaa waxay ka degayaan dekadda Sacuudi Carabiya ee Jizan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Koonfureed ayaa sheegtay in muwaadiniinteeda xaaladoodu caafimaad wanaagsan tahay.

Maraakiibta oo laga kala lahaa Sacuudiga iyo Kuuriyadda Koonfureed ayay sidoo kale Xuutiyiinta sii daayeen, sidda ay wasaaraddu sheegtay.

Shirkad laga leeyahay Kuuriyadda Koonfureed oo la yiraahdo Woongjin Development ayaa iska leh markabka oo kusii jeeday Somaliland.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo, mid kamdi ah maraakiibta oo ku safrayey calanka Sacuudiga ayaa magaaladda Berbera u siday shixnad aan wali la shaacin.

Falaagadda ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay Maraakiibta in uu ku xadgudbay dhul-badeedkooda Yemen.

Saraakiil sarre ayaa laga soo xigtay in isla markii ay ogaadeen in Kuuriyadda Koonfureed laga leeyahay markabka go’aansadeen in ay sii deeyaan.

Dowladda Kuuriyadda Koonfureed ayaa durba markii uu soo baxay warka qafaalashada waxay amar siisay ciidankeeda ku sugan badda Soomaaliya.

Dhowr jeer ayaa waxaa horey looga soo wariyey Badda Cas weeraro ka dhan ah maraakiibta, waxaana lagu macneeyay shufta badeed oo sii dabar go’aysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM