Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Puntland oo laga mamnuucay Laascaanood

Image
Go'aankan ayaa imaanaya xilli magaalada ay martigelineyso shir balaaran oo looga arrinsanayo aayaha gobolada Sool iyo Sanaad.

HARGEYSA, Somaliland - Odayaasha dhaqanka magaalada Laascaanod ayaa mamnuucay in mas’uuliyiin ka socda Somaliland iyo Puntland ay yimaadaan magaalada Laascaanood xilli halkaasi uu ka furmayo shir balaaran oo looga arrinsanayo aayaha gobolada Sool iyo Sanaad.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya ergo odayaal dhaqameed iyo qurba-joog u badan oo ka tagaya meelo kala duwan, waxaana la filayaa in shirkani laga soo saaro go’aanka kama dambeysta ah ee sida uu noqonayo mustaqbalka goboladani maamul ahaan.

Faysal Falaalug oo ah taliye ciidan haysta, kana mid ah dadka u ololeeya qaddiyadda dadka gobolaadaas ayaa ka mid ah dadka shirkani ka qeybgalaya, wuxuuna aad u danaynayaa in la dhiso maamul maxali ah oo si toos ah u hoos taga dowladda federaalka ee Soomaaliya, ama iskiis u madax banaan.

Balse maamulka Somaliland ayaa weli ku doodaya in uu isaga yahay kan xaqa ah ee mas’uulka ka ah aayaha goboladaas, shirkana ay tahay oo kaliya in arrimaha nabadda looga wada hadlo.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Somaliland ay odayaasha tagaya shirka Laascaano ay u ogolaatay in ay wataan illaalo hubeysan oo tiro yar.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo hadlay ayaa sheegay in uu ka digayo in la sidaasadeeyo ama la farogaliyo shirka Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM