Mas'uul ka tirsan Somaliland oo qarax gaari lagu khaarijiyey

Image

HARGEYSA, Somaliland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo maanta oo Isniin ah laga soo tabiyey magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waqoyga dalka Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari.

Gaariga lagu dhejiyey qaraxa waxaa lagu waramay in uu lahaa Guddoomiyihii maxkamadda gobolkaas ugu magacownaa Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud oo la tibaaxay in xiliga uu falku dhacayey uu la socday baabuurka ayaa lasoo wariyey in uu u dhintay dhaawac soo gaarey.

Booliska oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa bilaabay baaritaano lagu baadigoobayo "gacan ku dhiigleyaasha".

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, wallow dhacdooyinka noocaan ah aanan looga baran degaanaddaas.

Laascaanood, oo kamid ah degaanada ay ku muransan yihiin maamulada Puntland iyo Somaliland, ayaa qiyaasiytii 750 KM [466 miles] u jirta magaala madaxda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM